Golaha xukuumadda Somalia oo dib u dhigay go’aamada kala saarista xubinada barlamaanka & wasiirada.

Golaha Wasiirrada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa ansixiyay Qaraar lagu faahfaahinayo Hannaanka Taabagelinta Dastuurka Dalka, kaas oo…

14 October, 2026

Golaha Wasiirrada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa ansixiyay Qaraar lagu faahfaahinayo Hannaanka Taabagelinta Dastuurka Dalka, kaas oo lagu doonayo in lagu xoojiyo geeddi-socodka dastuurka, laguna dardargeliyo dhammaystirka hawlaha la xiriira.

Qaraarkan ayaa qeexaya qaab-dhismeedka iyo habraacyada lagu hagayo taabagelinta dastuurka, iyadoo la xoojinayo wada-shaqaynta hay’adaha dowladda, isla markaana la caddeynayo masuuliyadaha ay kala leeyihiin dhinacyada ay khusayso.

Sida ku cad qoraalka rasmiga ah, waxaa la magacaabay guddi heer wasiir ah iyo guddi heer farsamo, kuwaas oo loo xilsaaray isku-dubbaridka, dardargelinta iyo jadwaleynta hawlaha mudnaanta leh ee la xiriira geeddi-socodka taabagelinta dastuurka.

Guddiga heer wasiirrada waxaa guddoominaya Wasiirka Caddaaladda iyo Arrimaha Dastuurka, waxaana xubno ka ah wasiirrada Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta; Awqaafta iyo Arrimaha Islaamka; Maaliyadda; Waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta Sare iyo Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska.