Wasaaradda arrimaha gudaha xukuumadda Puntland ayaa ka hadashay soo noqnoqoshada mooshinka xilka looga qaadayo guddoomiyayaasha degmooyinka…

Wasaaradda arrimaha gudaha xukuumadda Puntland ayaa ka hadashay soo noqnoqoshada mooshinka xilka looga qaadayo guddoomiyayaasha degmooyinka oo muddooyinkii dambe sii kordhayey.
Wasiirka arrimaha gudaha Puntland Cabdi Xirsi Cali Qarjab, ayaa xildhibaanadii golaha deegaanka ee shacabku doortay ku eedeeyey inaysan gudan waajibaadkooda shaqo ayna ku mashquuleen tuurista guddoomiyayaasha degmooyinka Puntland.
“Ninkaan codkiinii ayaad ku doorateen shaqo ayaadna ka rabtaan laakiin muxuu shaqeeyaa 24-ka saac dhinacyadaa laga taagan yahay oo tafaha ayaa la haystaa meeshii lala shaqayn lahaa oo baahida deegaanka laga jawaabi lahaa, shuruuc ayaan ka soo saaraynaa arrintaan.”, Ayuu yiri Wasiir Qarjab.




