Golis iyo SAME TV APP oo Soomaalida ku xiray ciyaaraha caalamka.

Koobka Adduunka ee Kubadda Cagta waa tartanka ugu weyn uguna xiisaha badan ee dunida, kaas oo…

10 June, 2026

Koobka Adduunka ee Kubadda Cagta waa tartanka ugu weyn uguna xiisaha badan ee dunida, kaas oo afartii sano mar ay ku kulmaan xulalka ugu awoodda badan caalamka, malaayiin taageerayaal ah ayaana si dhow ula socda kulamadiisa, maadaama uu yahay madal lagu soo bandhigo xirfadaha ugu sarreeya ee kubadda cagta.

Shirkadda Golis Telecom oo ka duulaysa rumaynta riyada bulshada ayaa horumarisay Reciver-ka iyo App-ka SAME TV oo ay si toos ah uga daawadaan dhammaan kulamada Koobka Adduunka iyagoo adeegsanaya SAME TV APP oo kuu sahlaya inaad ciyaaraha kala socoto meel kasta oo aad joogto, adigoon ka maqnaan hal daqiiqo oo ka mid ah tartanka ugu weyn kubadda cagta adduunka.

SAME TV APP waxa uu noqday goob ay kumannaan qof maalin kasta ku daawadaan ciyaaraha muhiimka ah, gaar ahaan xilliyada ay dhacayaan kulamada waaweyn ee Koobka Adduunka oo aad kala socon karto shaashahada Tv-yada ama ku mobilkaaga gacanta.

SAME TV APP wuxuu kuu keenayaa tayo muuqaal oo wanaagsan iyo daawasho sahlan, oo ay siweyn uga markhaanti keceen dhammaan macaamiisha ku xiran oo kala socda kulamada koobka adduunka iyo guud ahaan ciyaaraha caalamka.

SAME TV APP waxa uu ka kooban yahay boqolaal channel oo ay kujiraan ciyaaro, madadaalooyin, dhaqan, waxbarasho, horumar iyo bilic soo jiidanaysa dhammaan jiilasha kala duwan ee bulshada Soomaaliyeed.

Waxaa kale oo shirkadda Golis u fududaysaa dhammaan macaamiisheeda kaga xiran baraha bulshada ee saadaaliya natiijooyinka kulamada xasaasiga ah ee koobka adduunka inay ku guulaystaan abaalmarino kala duwan.