Magaalada Boosaaso ee xarunta ganacsiga Puntland kuna taalla goob istaaraatiji u ah dhaqaalaha adduunka ayaa muddooyinkii…

Magaalada Boosaaso ee xarunta ganacsiga Puntland kuna taalla goob istaaraatiji u ah dhaqaalaha adduunka ayaa muddooyinkii dambe samaynaysay horumaro ballaaran oo dhanka ammaanka, dalxiiska, dhaqaalaha iyo kaabashayaasha guud ee bulshada.
Golis Telecom oo ay xarunteeda ugu weyn ku taallo Boosaaso ayaa kaalin weyn ka qaadatay horumarinta magaalada iyadoo ka hirgelisey adeegyada isgaarsiinta, internet-ka, lacagaha danabaysan, korontada iyo shaqo-abuurka dhalinyarada.

Waxaa kale oo shirkaddu door weyn ka qaadatay taageerada maaliyadeed ee qabsoomidda tartamada aqoonta, dalxiiska iyo ciyaaraha oo ay ugu dambeeyeen maalgelinta tartanka kubadda cagta Caasimadaha oo lagu maamuusayo ciidamadii ku shahiidey dagaaladii ka dhacay Buuraleeyda Cal-miskaad ee gobolka Bari.





