Golis Telecom oo ku guulaysatey Shahaadada Caalamiga ah ee GSMA Mobile Money Certification.

Shirkadda Isgaadhsiinta ee Golis Telecom ayaa ku guuleysatay shahaadada caalamiga ah ee GSMA Mobile Money Certification,…

1 September, 2026

Shirkadda Isgaadhsiinta ee Golis Telecom ayaa ku guuleysatay shahaadada caalamiga ah ee GSMA Mobile Money Certification, taas oo loogu talagalay shirkadaha iyo hay’adaha bixiya adeegyada lacagaha danabaysan ee (Mobile Money).

Qiimayn la sameeyey intii u dhexaysay 20-kii Luuliyo ilaa 13 Agoos 2026 ayaa shirkadda Golis ku mutaysatay aqoonsigaan oo soo baxay 31 Agoos 2026 ansaxna noqonaya ilaa 31-da Agoos 2029, sida ay muujinayso xogta ku xusan shahaadadaan caalamiga ah ee ay heshay shirkadda Golis.

Ku guulaysiga shahaadadaan ee shirkadda Golis ayaa muujinaysa in adeegga lacagaha mobilka ee Golis uu maray qiimeyn iyo hubin madax-bannaan, laguna eegay heerar caalami ah oo la xiriira amniga, isku-hallaynta adeegga, ilaalinta macaamiisha iyo maaraynta khataraha.

Bixinta shahaadada caalamiga ah ee GSMA Mobile Money Certification oo la bilaabay sanadkii 2018, waxaa saldhig u ah dhowr qodob oo ay ka mid yihiin ilaalinta lacagaha macaamiisha, ka hortagga lacag-dhaqidda iyo maalgelinta argagixisada iyo khiyaanada, maaraynta shaqaalaha iyo wakiillada, tayada hawlgalka, amniga nidaamyada, daahfurnaanta, adeegga macaamiisha iyo ilaalinta xogta shakhsiga ah, taasi oo caddayn u ah in adeeg-bixiyuhu uu ku shaqeynayo habraacyo iyo kontoroollo loogu talagalay in lagu ilaaliyo macaamiisha iyo lacagtooda.

Khuburada dhanka adeegyada casriga ah ee isgaadhsiinta ayaa sheegay in shirkadda Golis aqoonsigaan ku kasban karto kalsoonida macaamiisha, hay’adaha maaliyadeed, ganacsatada iyo bah-wadaagta kale ee adeegga Mobile Money, taasi oo u fududaynaysa iskaashiga ganacsi iyo is-dhexgalka hay’adaha maaliyadeed, isla markaana muujiso in shirkaddu ay si dhab ah uga shaqeysay ilaalinta xuquuqda macaamiisha, amniga iyo tayada adeegyadeeda.