Gollaha Wasiirada DFS oo Derojooyin kala siiyey Degmooyinka Gobolka Banaadir

23 October, 2025

Golaha Wasiirrada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta yeeshay kulankoodii toddobaadlaha ahaa iyadoo diiradda lagu saaray diyaar…

Golaha Wasiirrada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta yeeshay kulankoodii toddobaadlaha ahaa iyadoo diiradda lagu saaray diyaar garowga doorashooyinka qof iyo cod. Kulanka ayaa lagu dhageystay warbixin ay soo jeediyeen Guddiga Madaxa Bannaan ee Doorashooyinka kuwaas oo faahfaahiyey heerka ay marayso hawsha diiwaan gelinta codbixiyayaasha.

Guddiga Doorashooyinka ayaa Golaha Wasiirrada u sheegay in diiwaangelinta codbixiyayaasha gobolka Banaadir ay meel wanaagsan marayso isla markaana qorshuhu yahay in doorashada golayaasha deegaanka ee caasimadda Muqdisho lagu qabto 30-ka bisha Nofeembar ee soo socota.

Golaha Wasiirrada ayaa ansixiyey soo jeedinta Wasaaradda Arrimaha Gudaha Federaalka iyo Dib u heshiisiinta ee ku saabsan darajooyinka degmooyinka gobolka Banaadir iyadoo lagu saleynayo sharciga doorashooyinka ee dalka. Tallaabadan ayaa qeyb ka ah dadaallada lagu xoojinayo hannaanka maamul ee caasimadda.

Warbixinta wasaaradda ayaa qeexday in degmooyinka gobolka Banaadir loo kala saaray laba heer iyadoo sagaal degmo loo asteeyay darajada “A”, halka toddobo degmo lagu qiimeeyay darajada “B”. Qaybintan ayaa lagu saleeyay miisaanka maamul, tirada dadka, iyo horumarka adeegyada bulshada.

Golaha Wasiirrada ayaa ugu dambeyn ku bogaadiyay hay’adaha dowladda ee ku howlan qabanqaabada doorashooyinka, iyagoo ku adkeeyay muhiimadda ay leedahay in la helo hannaan daahfuran, nabdoon oo loo dhan yahay, si loo xaqiijiyo kalsoonida shacabka ee geeddi-socodka doorashada dalka.