Donald Trump ayaa marar badan ku dhawaaqay rajada ah in lagu daro Greenland dhulka Maraykanka.

Boqolaal kamid ah shacabka Greenland ayaa isugu soo baxay waddooyinka sabtidii si ay uga soo horjeestaan hadafka uu sheegay madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ee ah in uu la wareego gacan ku haynta jasiiraddooda.
Muuqaal la soo duubay ayaa muujinaya dad badan oo isugu soo baxay caasimadda Nuuk, iyagoo lulaya calanka Greenland, isla markaana sita boorar ay ku qoran yihiin “Ixtiraam madaxbannaanida Greenland,” “Beec ma nihin” iyo “Make America Go Away” – iyagoo bedalay halku-dhiggii ololaha Trump ee “Make America Great Again.”
Isku soo bax ayaa sidoo kale ka dhacayay magaalooyinka kale ee jasiiradda.
Jens-Frederik Nielsen, oo ah hoggaamiyaha xisbiga midigta dhexe ee ku guuleystay doorashadii baarlamaanka ee toddobaadkan, ayaa waxaa ku biiray ra’iisul wasaaraha xilka ka degaya Mute B. Egede si uu u hoggaamiyo dibadbaxayaal ku wajahan qunsuliyadda Mareykanka ee duleedka Nuuk.