Guddi ka socda bulshada gobolka Nugaal oo markale la kulmaya Madaxweyne Deni.

Guddi ka kooban 13 xubnood oo loo xil saaray dhex-dhexaadinta khilaafka u dhexeeya Madaxweynaha Puntland, Siciid…

2 July, 2026

Guddi ka kooban 13 xubnood oo loo xil saaray dhex-dhexaadinta khilaafka u dhexeeya Madaxweynaha Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni, iyo ciidanka taageersan DFS ee ku sugan dueledka Garoowe ayaa maanta jawaab ku celinaya Madaxtooyada Puntland.

Guddigaan oo horay isaga soo xulay qaybaha kala duwan ee bulshada gobolka Nugaal ayaa Madaxtooyada u gudbin doona aragti ururin ay soo saameeyeen, talooyin lagu ilaalin karo nabadgelyada iyo xalka ku aadan khilaafka ka dhashay magacaabistii DFS ee Gen. Jimcaale.

Dhanka kale, guddigu waxay shalay booqdeen taliska ciidanka ee Ligle, halkaas oo ay kulan kula yeesheen saraakiisha ciidamada oo sheegay in ciidamadoodu aysan wax dhibaato ah u wadin caasimadda Garoowe iyo guud ahaan Puntland, isla markaana aysan khatar ku ahayn nabadgelyada iyo xasilloonida deegaannada Puntland.

Dowladda Puntland ayaa horay u mamnoocday isu socodka gaadiidka, ciidamada, saraakiisha iyo siyaasiyiinta xilalka ka haya DFS ee deegaamada Puntland iyadoo shalay deegaanka Fallayryaale ee gobolka Sool lagu xiray sarkaal katirsanaa ciidanka Danab oo la rumaysan yahay in loo xiray xiriir u la yeeshay DFS.