Guddiga Arrimaha Bulshada ee Golaha Wakiillada Puntland oo Kormeer Shaqo ku Sameeyey Wasaaradda Waxbarashada

Guddiga Arrimaha Bulshada, Dhaqanka, Warfaafinta iyo Isgaarsiinta ee Golaha Wakiillada Dowladda Puntland ayaa maanta kulan shaqo…

26 July, 2026

Guddiga Arrimaha Bulshada, Dhaqanka, Warfaafinta iyo Isgaarsiinta ee Golaha Wakiillada Dowladda Puntland ayaa maanta kulan shaqo la yeeshay Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta Sare ee Dowladda Puntland. Kulanka ayaa qayb ka ahaa waajibaadka kormeerka iyo dabagalka shaqada hay’adaha dowladda, iyadoo diiradda lagu saaray adeegyada waxbarasho ee ay wasaaraddu u hayso bulshada.

Xubnaha guddiga ayaa masuuliyiinta Wasaaradda waydiiyey su’aalo la xiriira heerka adeegyada waxbarashada, tayeynta manhajka, kor u qaadista tayada waxbarashada iyo sidii loo ballaarin lahaa fursadaha waxbarasho ee shacabka Puntland. Waxa kale oo laga dooday caqabadaha hortaagan horumarinta waxbarashada iyo xalalka looga gudbi karo.

Masuuliyiinta Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta Sare ayaa guddiga siiyey warbixin ku saabsan waxqabadka wasaaradda, mashaariicda socda iyo qorshayaasha mustaqbalka ee lagu horumarinayo tayada waxbarashada. Waxay sidoo kale ka jawaabeen su’aalihii iyo talooyinkii ay soo jeediyeen xubnaha guddigu.

Kulanka ayaa ku soo dhammaaday is-afgarad ku saabsan muhiimadda ay leedahay in la sii xoojiyo wada shaqeynta Golaha Wakiillada iyo Wasaaradda Waxbarashada, si loo horumariyo adeegyada waxbarashada loona hubiyo in bulshada Puntland ay helaan waxbarasho tayo leh oo daboolaysa baahiyahooda.