Guddiga doorashada degmada Gaalkacyo ayaa shaaciyay liiska ugu dambeeya ee musharixiinta u tartamaya xilka duqa degmada…

Guddiga doorashada degmada Gaalkacyo ayaa shaaciyay liiska ugu dambeeya ee musharixiinta u tartamaya xilka duqa degmada kadib markii xal laga gaaray khilaaf ka dhashay musharax laga hor istaagay shahaadada musharaxnimo. Doorashadan oo markii hore loo qorsheeyay maanta ayaa dib loo dhigay waxaana lagu qaban doonaa berri 6:00pm fiidnimo.
Musharax Bashiir Cabdicasiis Warsame oo xisbiga Kaah hore ugu diiday shahaadada musharaxnimada ayaa ugu dambayn loo oggolaaday inuu ku biiro tartanka kaddib markii wasaaradda arrimaha gudaha Puntland soo faragelisay. Tani waxay ka dhigtay musharaxiinta tartamaya duqa Gaalkacyo saddex musharax.
Musharaxiinta uu guddigu si rasmi ah u diiwaangeliyay ayaa kala ah Xuseen Cabdi Maxamed oo ka socda xisbiga Kaah, Bashiir Cabdicasiis Warsame oo isna ka socda Kaah, iyo Cabdiraxmaan Axmed Daahir oo ka sharaxan xisbiga Shaqaalaha. Tartanka ayaa lagu tilmaamay mid xiiso badan maadaama labo musharax ay ka socdaan xisbiga Kaah.
Khilaafka ku saabsanaa musharaxnimada Bashiir Cabdicasiis ayaa sababay xiisad xooggan waxaana maleeshiyaad taageersan musharaxa ay xireen xarunta dowladda hoose iyo waddooyinka soo gala, balse markii la xaqiijiyay in musharaxu ka mid yahay tartamayaasha ayey ciidamadu halkaas ka baxeen.
Labadii habeen ee u dambeeyay maleeshiyaadka taageersan Bashiit ayaa gacanta ku hayey Xarunta dowladda hoose ee Gaalkacyo ugu dambayna caawa ayey baneeyeen taas oo muujisay in xaaladda magaalada ay dib ugu soo noqotay deggenaansho xilli doorashada ay beri qabsoomi doonto sida jadwalku sheegayo.




