Guddiga Doorashada oo Dhaqaale u raadinaya Doorashooyinka Dalka.

17 November, 2025

Guddiga Madaxa-Bannaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha ayaa daneeyayaasha doorashooyinka ku wargeliyey inay gacan ka geystaan…

Guddiga Madaxa-Bannaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha ayaa daneeyayaasha doorashooyinka ku wargeliyey inay gacan ka geystaan dardar-gelinta iyo hirgelinta heerarka kala duwan ee doorashooyinka dalka. Guddigu wuxuu sheegay inuu ku shaqeynayo waajibaadka uu Dastuurku siiyay, gaar ahaan Qodobka 18-aad ee Xeerka Doorashooyinka Qaranka oo qeexaya muddooyinka iyo habraacyada sharci ee lagu maamulo doorashooyinka.

Wargelinta ayaa si gaar ah diiradda u saartay abuurista jawi suurtagelinaya isfaham siyaasadeed, diyaarin miisaaniyadeed, tayeynta howlaha sugidda amniga doorashooyinka, iyo ka qeybgalka ururrada bulshada rayidka ah iyo saaxiibada caalamiga ah si loo xaqiijiyo hufnaan iyo daahfurnaan doorasho. Guddigu wuxuu ku baaqay in la dardargeliyo dhammaan qodobbadan maadaama doorashadu tahay arrin qaran oo aan dib u dhac loo aqbali karin.

Si kastaba ha ahaatee, wargelintan cusub ayaa imanaysa xilli uu jiro muran xooggan oo ka taagan qorshaha doorashooyinka, iyadoo Puntland, Jubbaland iyo mucaaradka dowladda federaalka ay si cad uga horyimaadeen habraaca socda. Dowlad-goboleedyadan iyo mucaaradka ayaa ku dooday in nidaamka doorashada aan lagu saleyn wadatashi qaran oo dhab ah, islamarkaana laga leexday heshiisyadii siyaasadeed ee hore loo gaarey.

Dhanka kale, mucaaradka iyo qaar ka mid ah maamullada dalka ayaa ku eedeeyey Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud inuu ku socdo waddo horseedi karta muddo-kororsi siyaasadeed, iyagoo sheegay in habraacyada hadda socda ay u muuqdaan kuwo lagu sii dheereynayo muddada xilheyntiisa. Waxay sheegeen in qorshaha doorashada oo aan heshiis lagu ahayn uu khatar gelin karo xasilloonida dalka.

Inkasta oo Guddiga Doorashooyinka uu ku baaqay isfaham iyo fulin sharciyeed oo mideeya, haddana khilaafka siyaasadeed ee weli taagan ayaa ka dhigay xaaladda mid u baahan wadahadal dhab ah oo u dhexeeya dowladda federaalka, dowlad-goboleedyada iyo dhinacyada mucaaradka, si looga hortago isku dhacyo siyaasadeed oo saameyn ku yeesha geeddi-socodka doorashada dalka.