Guddiga doorashooyinka oo tirinaya codadkii laga dhiibtey Koonfur Galbeed.

10 May, 2026

Guud ahaanba goobihii codbixinta degmooyinka Koonfur Galbeed ayaa soo geba geboobay ayadoo ay bilaabatay Tirinta Codadka…

Guud ahaanba goobihii codbixinta degmooyinka Koonfur Galbeed ayaa soo geba geboobay ayadoo ay bilaabatay Tirinta Codadka waloow ay goobaha qaarkood weli dadweynuhu safaf dhaadheer ugu jiraan Codeynta. 

Tirinta codadka ayaa la xaqiyey inay bilaabatay iyadoo goob walba ay ku sugan yihiin wakiillo ka socda Ururrada doorashan qof iyo Codka ah ku turtamayaan ayadoo warqad walba la tusayo wakiillada marka sanduuqa laga soo bixiyo si ay u ogaaday codkaas cida ku guuleysatay. 

Tirinta waxa ay socon doontaa ilaa berrito gelinka dambe waxaana natiijada lagu dhawaaqi doonaa 24 saac kadib xilliga doorashada sida uu baahiyey Tvga ku hadla afka dowladda Somalia.

Natiijada ayaa ka duwan doorashooyinkii Puntland oo goobta lagu ogaan jirey nayiijo hordhac ah iyo codadka rasmiga ah ee uu xisbi walba ka helay seejada codbixinta, iyadoo la mamnoocay ku dhawaaqidda Natiijooyin hordhaca ah.