Guddiga doorashooyinka Puntland oo muddo u qabtay doorashada hoggaanka xisbiyada siyaasadda.

12 July, 2025

Guddiga doorashooyinka Puntland ee PEC oo ka duulaya qodobka 114-aad, farqadiisa 1-aad ee Dastuurka Dawladda Puntland,…

Guddiga doorashooyinka Puntland ee PEC oo ka duulaya qodobka 114-aad, farqadiisa 1-aad ee Dastuurka Dawladda Puntland, Qodobka 8-aad, farqadiisa 19-aad ee Xeerka Guddiga Doorashooyinka iyo Dastuurada Xisbiyada Siyaasadda, gudanaya waajibaadkiisa dastuuriga ah iyo ilaalinta Hannaanka dimuqraadiyadda, wuxuu si rasmi ah ugu wargelinayaa dhammaan Xisbiyada Siyaasadda ee Puntland arrimaha soo socda:

1. In Xisbiyada Siyaasaddu ay qabtaan shirwayneyaashii kuna soo doortaan hoggaanka sare ee Xisbiyada (Guddoonka iyo Guddiyada Xisbiyada), muddo sadex (3) bilood gudahood ah laga bilaabo taariikhda qoraalkani soo baxay.

2. Doorashooyinkaas waa in ay noqdaan kuwo xor iyo xalaal ah, loogana gol leeyahay dimoqraadiyeynta hoggaanka Xisbiyada iyo xoojinta isla xisaabtanka gudaha xisbiyada.

3. Xisbiyadu waa in ay ugu yaraan 14 cisho ka hor guddiga kusoo wargeliyaan doorashadooda iyo goobta ay ka dhacayso.

Ugu dambayn, Guddigu wuxuu si xushmad leh ugu adkaynayaa xisbiyada in ay ilaaliyaan jadwalka kor ku xusan, kana dhabeeyaan waajibaadka dastuuriga ah ee ka saaran hannaanka dimuqraadiyadda.