Guddiga Doorashooyinka Puntland PEC oo lagu daray xubin Cusub

26 November, 2025

Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Dowladda Puntland ayaa maanta magacaabay Ismaaciil Warsame Aaden, oo noqonaya xubin cusub oo…

Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Dowladda Puntland ayaa maanta magacaabay Ismaaciil Warsame Aaden, oo noqonaya xubin cusub oo ka mid ah Guddiga Doorashada Puntland (PEC). Magacaabistan ayaa timid kadib markii uu bannaan noqday kursi ka mid ah guddiga.

Guddoomiyaha ayaa sheegay in loo baahday buuxinta booskaas si loo dardargeliyo hawlaha muhiimka ah ee doorashooyinka Puntland, isagoo xusay in Ismaaciil Warsame Aaden uu buuxinayo shuruudihii looga baahnaa xubnaha PEC.

Ugu dambeyn, Guddoomiye Cabdirisaaq Axmed Siciid ayaa u rajeeyay xubinta cusub in uu si hagar la’aan ah uga shaqeeyo waajibaadka loo igmaday, isla markaana uu gacan ka geysto hirgelinta doorashooyinka Puntland.