Guddiga doorashooyinka Qaranka oo muddeeyey qabashada doorashada kuraas ka bannaan golaha shacabka.

2 March, 2025

Guddiga Madaxa Bannaan ee Doorashooyinka Qaranka (GMDQ) ayaa mudeeyay qabashada doorashada labo kursi oo ka bannaan…

Guddiga Madaxa Bannaan ee Doorashooyinka Qaranka (GMDQ) ayaa mudeeyay qabashada doorashada labo kursi oo ka bannaan Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya.

Kuraastaan ayaa waxaa horay u banneeyey Saadaq Joon, oo loo magacaabay Agaasime ku-xigeenka Hay’adda Nabad Sugidda iyo Sirdoonka Qaranka (NISA), iyo Mustaf Sheekh Cali Dhuxulow, oo loo magacaabay Agaasimaha Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda Soomaaliya.

Doorashada kursiga tirsigiisu yahay HOP#248, oo uu banneeyay Saadaq Joon, ayaa lagu wado in la qabto 6-da Maarso iyo HOP#049 oo uu banneeyay Mustaf Dhuxulow, la qorsheeyay in la qabto 8-da Maarso.

Waxaa kale oo guddigu weli aysan qorshayn doorashadooda saddex kursi oo kala ah midka uu banneeyey agaasimaha hay’adda nabad sugidda iyo sirdoonka Qaranka Cabdullaahi Sanbaloolshe, iyo laba kursi oo ay ka geeriyoodeen xildhibaannadii hore, Khadiija Maxamed Diiriye iyo Xildhibaan Seeseey.