Guddiga doorashooyinka qaranka oo shaaciyey tirada ururada isdiiwaangeliyey.

9 April, 2025

Guddiga madaxa banaan ee doorashada qaranka iyo soohdimaha dowladda federalka ah ee Soomaaliya ayaa si rasmi…

Guddiga madaxa banaan ee doorashada qaranka iyo soohdimaha dowladda federalka ah ee Soomaaliya ayaa si rasmi ah ugu dhawaaqay tirada ururada loo diiwaangeliyey doorashooyinka la qorshaynayo bisha June ee sanadkaan.

Gudoomiyaha’ Guddiga Doorshoonkii Cabdikarim Axmed Xasan oo ka hadlayey munaasabad lagu qabtay magaalada Muqdisho ayaa sheegay inay diiwaangeliyeen 5 urur siyaasadeed oo diyaar u ah inay ka qaybgalaan doorashooyinka golayaasha deegaanka kadib markii ay buuxiyeen shuruudihii looga baahnaa.

“Haddaanu nahay guddiga doorashooyinka qaranka iyo soohdimaha tirada rasmiga ah ee ururada aannu hayno ee doorashada diyaarka u ah maanta waa shan urur siyaasadeed, waxaannu nahay guddi madax banaan oo dadka Soomaaliyeed u fududaynaya inay galaan masaaxada siyaasadda”, ayuu yiri Gudoomiyaha’ Guddiga Doorshoonkii Cabdikarim Axmed Xasan.

Guddoomiyaha ayaa intaasi ku daray inay bilaabayaan diiwaangelinta dadweynaha codkooda dhiiban doona,”Toddobaadka soo socda waan bilaabi doonaa diiwaan-gelinta dadweynaha, qof kasta oo la diiwaan geliyo wuxuu fursad u heli doonaa inuu ka qeyb galo doorashada golaha deegaanka”.