Guddiga farsamada ee dhameystirka maamulka KHATUMO ee shirkiisu ka socdo Magaalada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool…

Guddiga farsamada ee dhameystirka maamulka KHATUMO ee shirkiisu ka socdo Magaalada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool ayaa sheegay inaysan jirin wax qodobo ah oo ergooyinku ilaa hadda heshiis ka gaareen.
Guddoomiyaha guddida farsamada ee dhameystirka maamulka KHATUMO Axmed Nuur Uleex, ayaa sheegay inaysan jirin qodob lagu heshiiyey ayna socdaan doodo xasaasi ah oo dhinacyadu lee yihiin.
“Wax ma jiro ilaahadda lagu heshiiyey ama la isku diiday, doodihiina waa socdaan, marka ugu danbeeya ee la ururiyo wixii laga doodaayey ayaa go’aaamadii lagu heshiiyey ku soo bixi doonaan nuqulka Dastuurka”, Dr. Axmednuur Uleex, Guddoomiyaha guddida farsamada ee dhameystirka maamulka SSC-Maakhir.
Guddoomiyaha ayaa sheegay inay doonayaan dhismaha maamul aan qabiilaysnayn haseyeeshee ku salaysan deegaan ayna heshiis ku yihiin dhammaan bulshooyinka deegaamada SSC KHATUMO.



