Guddiga farsamo ee golaha mustaqbalka & Madaxweyne Deni oo shiray.

6 January, 2026

Madaxweynaha Dowladda Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni ayaa habeenimadii xalay Madaxtooyada ku qaabilay Guddiga Farsamada Golaha Mustaqbalka…

Madaxweynaha Dowladda Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni ayaa habeenimadii xalay Madaxtooyada ku qaabilay Guddiga Farsamada Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed, oo maalmahan Shirar kuleh magaalada Garoowe.

War qoraal ah oo ka soo baxay madaxtooyada Puntland ayaa lagu sheegay in kulanka looga hadlayey muddadii uu socdey xaaladda guud ee dalku marayo, doorashooyinka iyo hawlaha hortabinta u leh Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed.

Guddiga farsamada Golaha Mustaqbalka waxay ka kooban yihiin lix xubnood oo kala ah, Maxamed Cabdiraxmaan Dhabanad, Caarshe Maxamed Siciid, xildhibaan Cabdirashiid Jire, Saahid Qodhob, Cabdilaahi Xaaji Abuukar iyo Maxamed Aadan Jimcaale (Koofi), kuwaas oo Garowe u jooga dejinta istaraatiijiyadda iyo qorshayaasha ay goluhu ku wajahayaan xilliga kala-guurka.

Madaxweynaha Somalia ayaa muddooyinkii dambe dedaal xooggan ku bixinayey inuu baajiyo shirka golaha Mustaqbalka ee Garoowe, si looga baaqsaday go’aamo kale oo mucaaradku gaaraan kahor bisha May oo muddo xileedkiisu ku egyahay.