Guddiga Gurmadka Abaaraha Dowladda Puntland ayaa waday dadaallo ballaaran oo lagu taageerayo bulshada ay saameeyeen abaaraha…

Guddiga Gurmadka Abaaraha Dowladda Puntland ayaa waday dadaallo ballaaran oo lagu taageerayo bulshada ay saameeyeen abaaraha ka jira deegaannada Puntland, ayaa markii ugu horraysay warbixin ay ku muujiyeen waxqabadkooda gaar ahaan ururinta deeqaha, gaarsiinta gurmadka, iyo hirgelinta mashaariic biyo iyo raashin qaybin ay sameeyeen.
Warbixin ay faafiyeen guddiga gurmadka abaaraha Puntland ayaa lagu sheegay in muddadii ay shaqaynayeen ay soo gaartey lacag dhan $963,400.75 oo katimid dowladda, ganacsatada, qurba joogta iyo bulshada kale ee ku sugan deegaamada Puntland.
Qoraal guddigu la wadaagey warbaahinta maxaliga ah ayaa waxaa lagu sheegay in $583,447.75 oo kamid ah lacagta soo gashay lagu qabtay hawlo isugu jira biyo dhaamin, dayactir ceelal iyo raashin qaybin laga sameeyey gobolada kala duwan ee Puntland, halka ay khasnad ku har u tahay lacag gaaraysa $379,953
Warbixinta guddiga ayaa lagu xusay in la dhaamiyey 4,320 booyadood oo biyo ah ayaa la gaarsiiyey deegaanada ay abaaruhu saameeyeen ayna ku baxday lacag dhan $345,900 iyadoo la dayactiray 13 ceel Kharashka ku baxayna uu yahay $64,123.
Ugu dambayntiina guddiga gurmadka abaaraha Puntland ayaa sheegay inay 5,000 qoys gaarsiiyeen raashin qiimihiisa lagu sheegay $173,424.75, waxayna markale bulshada ugu baaqeen inay laba jibbaaraan gurmadka loo fidinayo dadka tabaalaysan.



