Guddiga horumarinta Galkacyo oo dhaliilay go’aan degmada looga reebay Mashruuca Bulsho.

8 July, 2026

Guddiga Horumarinta Degmada Gaalkacyo oo habeenimadii xalay kulan yeeshay ayaa kaga hadlay go’aankii degmada Gaalkacyo looga…

Guddiga Horumarinta Degmada Gaalkacyo oo habeenimadii xalay kulan yeeshay ayaa kaga hadlay go’aankii degmada Gaalkacyo looga reebay Mashruuca Bulsho, oo uu maalgeliyo Bangiga Adduunka.

Guddigu wuxuu si kulul u cambaareeyey go’aankaasi, isagoo ku tilmaamay mid aan caddaalad ku dhisnayn isla markaana si bareer ah degmada Gaalkacyo looga saaray mashruuc muhiim u ah horumarka bulshada iyo adeegyada aasaasiga ah.

Xubnaha guddiga ayaa sheegay in mashruucan uu door weyn ka qaadan lahaa horumarinta kaabeyaasha dhaqaalaha iyo adeegyada bulshada, isla markaana ay shacabka Gaalkacyo xaq u leeyihiin inay ka faa’iidaystaan mashaariicda horumarineed ee lagu maalgeliyo deeqaha caalamiga ah.