Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Masar Badr Abdelatty ayaa ka hadlay tallaabooyinka xiga ee lagu hirgelinayo heshiiska…

Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Masar Badr Abdelatty ayaa ka hadlay tallaabooyinka xiga ee lagu hirgelinayo heshiiska Gaza intii lagu jiray wicitaan taleefan oo uu la yeeshay ergayga Mareykanka Steve Witkoff.
Guddiga Falastiiniyiinta ee loo qorsheeyay inay maamulaan Gaza kadib dagaalkii ayaa Jimcihii kulankoodii ugu horreeyay ku yeeshay Qaahira, sida ay ku warantay shabakadda xiriirka la leh dowladda Masar ee Al-Qahera News.
Guddigan oo la sameeyay Arbacadii iyadoo wajigii labaad ee heshiiska xabad joojinta Gaza ee uu Mareykanku dhexdhexaadinayay uu dhaqan galay, ayaa ka kooban 15 xubnood oo farsamo yaqaanno ah oo loo xilsaaray inay maamulaan dhulka Falastiin ka dib dagaalkii Xamaas iyo Israa’iil.
Qorshe uu Mareykanku taageerayo oo lagu soo afjarayo dagaalka Gaza ayaa galay wejigiisii labaad inkastoo ay jiraan khilaafaad aan weli la xallin oo u dhexeeya Israa’iil iyo Xamaas oo ku saabsan xadgudubyada xabbad joojinta.
Su’aalaha ugu badan ee la isweydiinayo ayaa ah inaysan caddayn in Israa’iil ay si buuxda ugala bixi doonto ciidamadeeda Gaza iyo diidmada Xamaas ee ah inay si cad u ballanqaaddo hub ka dhigis buuxda, taasoo ah dalab aan gorgortan laga geli karin oo ka imanaya Israa’iil.
Abuuritaanka guddigan farsamo oo Falastiiniyiin ah, oo lagu dhawaaqay Arbacadii, ayaa loogu talagalay in lagu maareeyo maamulka maalinlaha ah ee Gaza.



