Guddiga taakulaynta ciidamada iyo daryeelka dhaawacyada hawlgalka Hillaac ee buuraleeyda Cal-miskaad ayaa ka jawaabey eedayn kaga…

Guddiga taakulaynta ciidamada iyo daryeelka dhaawacyada hawlgalka Hillaac ee buuraleeyda Cal-miskaad ayaa ka jawaabey eedayn kaga timid takhaatiirka ku sugan furimaha dagaalka.
Guddiga ayaa sheegay inaysan Mas’uul ka ahayn mushaharka, gunnada iyo cuntada takhaatiirta, haseyeeshee waajibkoodu yahay u qareemidda hawlgalka iyo daryeelka dhaawacyada laga keeno Cal-miskaad, iyagoo sheegay in warka lagu baahiyey baraha bulshadu uu yahay mid been abuur ah.
War-qoraal ah oo lagu baahiyey baraha bulshada ayaa horay loogu sheegay in guddigu sameyeen lunsi dhaqaale iyo waxyaabo ay xaq u lahaayeen takhaatiirka ku sugan furimaha ay dagaalka kaga jiraan ciidanak difaaca Puntland.




