Guddiga TPEC Oo Shaaciyey Liiska Rasmiga Ah Ee Codbixiyayaasha Qardho, Eyl Iyo Ufayn – VIDEO

Published: August 4, 2021

Guddiga kumeel gaarka doorashooyinka Puntland oo maanta shir jaraaid ku qabtay magaalada Garoowe ayaa shaaciyey liiska rasmiga ah ee codbixiyayaasha degmooyinka Qardho, Eyl iyo Ufayn, kuwaas oo ay ka dhici doonaan doorashooyinka qof iyo cod ee Puntland.

Afhayeenka guddiga TPEC, Cabdinuur Shiikh Maxamed oo akhriyey liiska rasmiga ah ee codbixiyayaasha ayaa sheegay wadarta guud ee dadka isdiiwaangeliyey inay yihiin 48,353 qof (Afartan iyo siddeed kun seddex boqol konton iyo seddex), halka wadarta saxsan ay tahay 46, 839 qof (Afartan iyo lix kun siddeed boqol iyo soddon iyo sagaal).

Guuleed Saalax, Guddoomiyaha guddiga TPEC ayaa sheegay inay talaabo sharci ah ka qaadi doonaan isla markaana u gudbin doonaan maxkamada dad tiradoodu dhan tahay 380 qof kuwaas oo meelo kala duwan iska diiwaangeliyey.

Hoos ka daawo:

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *