10 July, 2025
Guddiga Farsamada Dowladda Federaalka Soomaaliya u qaabilsan dhameystirka geedi-socodka dhameystirka SSC-Khaatumo ayaa kulan la qaatay qaar…

Guddiga Farsamada Dowladda Federaalka Soomaaliya u qaabilsan dhameystirka geedi-socodka dhameystirka SSC-Khaatumo ayaa kulan la qaatay qaar kamid ah hoggaanka mucaaradka ee ku sugan Laascaanood.
Guddiga ayaa la kulmay Madaxweyne hore Axmed Cilmi Cismaan Karaash, Musharax Cabdirisaaq Khaliif iyo xubno kale oo katirsan musharixiinta madaxweynaha maamulka SSC KHATUMO.
Kulamadan ayaa ujeedkoodu yahay in la dhageysto aragtiyada iyo talooyinka saamileyda iyo daneeyayaasha, si loo helo geedi-socod loo dhan yahay, kuna saleysan is-afgarad iyo wada-tashi.





