Guddoomiyaha Maamulka Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho, Dr. Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab), ayaa maanta si…

Guddoomiyaha Maamulka Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho, Dr. Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab), ayaa maanta si rasmi ah ugu dhawaaqay in Deegaanka Gubta loo aqoonsaday beel, kaddib geeddi-socod maamul iyo sharciyeed oo muddo dheer socday. Ku dhawaaqistan ayaa timid kadib dadaallo isdaba joog ah oo lagu xaqiijinayay in deegaankaasi helo aqoonsi buuxa oo waafaqsan nidaamka maamulka caasimadda.
Ku dhawaaqista aqoonsiga Beesha Gubta ayaa ka dhacday munaasabad lagu dhagax-dhigayay xarunta maamulka cusub ee deegaanka, taas oo lagu muujiyay bilowga wejiga cusub ee maamul iyo adeegyo rasmi ah. Guddoomiyuhu wuxuu xusay in howlaha aqoonsiga ay soo socdeen ku dhowaad saddex sano, balse lixdii bilood ee u dambeeyay si gaar ah loo dardargeliyay si loo gaaro natiijadan.
Dr. Muungaab ayaa tilmaamay in tallaabadan ay u gogol-xaareyso dhismaha hay’adaha maamulka deegaanka, islamarkaana ay fududeyn doonto in Beesha Gubta si toos ah uga faa’iidaysato adeegyada dowladda hoose iyo ka qaybgalka go’aamada la xiriira horumarka deegaanka. Waxa uu sidoo kale carrabka ku adkeeyay in la dhammaystiri doono dhismaha xarunta iyo nidaamka maamulka ee deegaanka.
Ugu dambayn, Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ayaa sheegay in aqoonsiga Beesha Gubta uu yahay mid ku saleysan shuruucda dalka iyo rabitaanka dadka deegaanka, isaga oo xusay in maamulka gobolka uu sii wadi doono dadaallada lagu xaqiijinayo in dhammaan beelaha ku nool caasimadda ay helaan xuquuq iyo matalaad rasmi ah.




