Guddoomiyaha golaha wakiilada dowladda Puntland Cabdirisaaq Axmed Siciid ayaa ka hadlay siyaasiyiinta mucaaradka ee muddooyinkii dambe…

Guddoomiyaha golaha wakiilada dowladda Puntland Cabdirisaaq Axmed Siciid ayaa ka hadlay siyaasiyiinta mucaaradka ee muddooyinkii dambe dhaqdhaqaaqyada ka wadey Puntland iyo magaalada Muqdisho.
Guddoomiyaha ayaa sheegay inay jiraan shaqsiyaad siyaasiyiin ah oo marba bulshada u sheega wixii ay doonaan kana dhex arkaan danohooda gaarka ah, isagoo tilmaamay in lagu baraarugsan yahay damocooda.
“Waxaan shacabka ugu baaqayaa inay midoobaan oo aan la dhegaysan inyar oo markaa dangaar ah leh ama wax isku koobaysa oo dadka maalinba si ula hadasha, markii ay meelaha muhiimka ah joogaan ay af ku hadlaan markay danohooda ka arki waayaanna af ku hadlaan”, Guddoomiye Cabdirisaaq Axmed Siciid.



