Guddoomiyaha barlamaanka Puntland ayaa digniin u diray siyaasiyiintii ka qaybgalay shirkii Laascaanood.

2 August, 2025

Guddoomiyaha golaha wakiilada Puntland Cabdirisaaq Axmed Siciid ayaa markii ugu horraysay ka hadlay dhismaha maamulka Waqooyi…

Guddoomiyaha golaha wakiilada Puntland Cabdirisaaq Axmed Siciid ayaa markii ugu horraysay ka hadlay dhismaha maamulka Waqooyi Bari Somalia, faragelinta DFS iyo dhaqdhaqaaqyada ka soo cusboonaaday gobolada Sanaag iyo Haylaan.

Cabdirisaaq Axmed Siciid, ayaa ugu horrayn sheegay in reer SSC KHATUMO iyo dadkii kala qaybgalay dagaalkii Sool ay lahaayeen ballamo siyaasi ah haseyeeshee shaqsiyaad gaar ah ay maamulkii ula galeen madaxtooyada Somalia, sida uu hadalka u dhigay.

Waxa uu sheegay in bulshada iyo dhaqanka deegaamada Sanaag iyo Haylaan ay qaateen go’aan ku aaddan shirkii Laascaanood aysanna waxaba ka dhisan maamulkii lagaga dhawaaqay magaalada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool.

Ugu dambayntiina guddoomiyaha barlamaanka Puntland ayaa sheegay in Sanaag iyo Haylaan aysan imaan karin isla markaana aysan meel kale u qaadi karin xoogna loogu dari karin meel aysan raali ka ahayn.

“Sanaag & Haylaan, Ingigiriis, kuwii qoryaha sitey & cid kasta wax ka qaadi weydey ee bal kuwa wax dhoodhoohaya meeshay keenaan ayaan arkaynaa”, Ayuu yiri Guddoomiye Cabdirashiid.