Guddoomiyaha Barlamaanka Puntland oo dagaal kaga dhawaaqay Dhahar.

22 June, 2025

Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Dowladda Puntland, Cabdirisaaq Axmed Siciid iyo wefdi ballaaran oo uu hoggaaminayo ayaa maanta…

Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Dowladda Puntland, Cabdirisaaq Axmed Siciid iyo wefdi ballaaran oo uu hoggaaminayo ayaa maanta safar shaqo ku tagay degmada Dhahar, xarunta gobolka Haylaan.

Waftigaan ayaa dhagax dhigey mashaariic horumarineed oo ay Dowladdu ka bilaabayso magaalada, kuwaas oo kala ah: 𝑿𝒂𝒓𝒖𝒏𝒕𝒂 π‘΄π’‚π’™π’Œπ’‚π’Žπ’‚π’…π’‚π’‰π’‚, 𝑿𝒂𝒓𝒖𝒏𝒕𝒂 𝑾𝒂𝒔𝒂𝒂𝒓𝒂𝒅𝒅𝒂 π‘΄π’‚π’‚π’π’Šπ’šπ’‚π’…π’…π’‚ 𝒆𝒆 π’ˆπ’π’ƒπ’π’π’Œπ’‚, 𝑿𝒂𝒓𝒖𝒏𝒕𝒂 π’Žπ’‚π’‚π’Žπ’–π’π’Œπ’‚ π’ˆπ’π’ƒπ’π’π’Œπ’‚ π‘―π’‚π’šπ’π’‚π’‚π’, π’Šπ’šπ’ π‘ͺ𝒆𝒆𝒍-π’ƒπ’Šπ’šπ’π’π’… π’“π’Šπ’Šπ’ˆ 𝒂𝒉 oo bulshada degmada wax weyn ka tari doona.

Guddoomiyaha oo la hadlay boqolaal kamid ah shacabka degmada Dhahar ayaa sheegay in hawlgalka dabarjarka argagixisada ee ka bilaaban doona Cal-madaw loo baahan yahay in shacabka gobolku doorkooda ka qaataan.

“Wax la bixiyo oo dad ka qaalisan majiraan waana ogtihiin dad badan oo askar iyo saraakiil lahaa oo deegaankaan ka soo jeedey inay ku shahiideen Cal-miskaad, hawlgalkii Cal-madawna waa bilaabanayaa Alshabaabna dadka deegaankaan dhib badan ayey u geysteen waa inaad ciidanka gacan siisaan oo naf iyo maalba ku bixisaan, waa ognahay dad u shaqeeya ayaa warar aan jirin faafinayey”, Ayuu yiri guddoomiyuhu.