Guddoomiyaha golaha wakiilada dowladda Puntland Cabdirisaaq Axmed Siciid oo dhawaan safar ku tegey Magaalada Dhahar ee…

Guddoomiyaha golaha wakiilada dowladda Puntland Cabdirisaaq Axmed Siciid oo dhawaan safar ku tegey Magaalada Dhahar ee xarunta gobolka Haylaan ayaa ka hadlay dhaqdhaqaaqyo ka dhan ah Puntland oo ay wadaan siyaasiyiin ka soo jeeda gobolada Sanaag iyo Haylaan.
Guddoomiye Cabdirisaaq ayaa xusay inay jiraan siyaasiyiin ka soo jeeda goboladaasi oo doonaya inay shaqaaqo ka sameeyaan gobolka iyagoo hormuud u ah qorshayaal ay waddo DFS.
Waxa uu sheegay in deegaankani uu yahay reer Puntland ayna dadkiisu 1998 waxka dhisteen Puntland, loona baahan yahay in bulshadu aysan dhegaysan kuwa kuraasta ku raadsanaya mansabkooda.
“Farriimo kale kuwa wadaa idiin imaan doona oo idin dhehaya maamulaa laysku samaynayaa, dhulkaani waa Puntland 1998 ayey wax ka dhisteen, arrinta KHATUMO waa mid gaar ah oo madasheeda leh, dhulkaani waa Puntland Somalilandna ma imaan karto, waxyaabaha been abuurka ah ee dhulka lagelinayo horay ayaan u diidney, dhulkaan si nabad ah ayaa looga codeeyey taas ayaana wixii la sheegi jirey saartay”, Ayuu yiri guddoomiye Cabdirisaaq.



