Guddoomiyaha Barlamaanka Puntland oo Garoowe lagu soo dhoweeyey.

26 April, 2025

Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Dowladda Puntland, Mudane Cabdirisaaq Axmed Siciid, ayaa maanta si rasmi ah dib ugu…

Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Dowladda Puntland, Mudane Cabdirisaaq Axmed Siciid, ayaa maanta si rasmi ah dib ugu soo laabtay dalka, kadib safar shaqo oo uu ku tegay dalka Kenya.

Guddoomiyaha waxaa si diirran ugu soo dhoweeyey magaalada Garowe Guddoomiye ku-xigeenka 2-aad ee Golaha Wakiillada, xildhibaano ka tirsan Golaha, masuuliyiin ka tirsan xukuumadda Puntland, maamulka gobolka, saraakiil ciidan iyo qaybaha kala duwan ee bulshada rayidka ah.

Guddoomiyaha Gobolka Nugaal, Cabdiraxmaan Abshir Faarax, oo ka hadlay soo dhaweynta ayaa kelmad la xiriirta Xaaladda Guud Amniga iyo sida bulshada ay diyaar u yihiin horumarka iyo garab istaagga dawladda Puntland.

Sidoo kale, Guddoomiye ku-xigeenka 2-aad ee Golaha Wakiillada, Mudane Maxamuud Maxamed Ciise, ayaa si kooban uga warbixiyey xaaladda dalka, gaar ahaan Hawlgallada lagu ciribtirayo kooxaha argagixisada ee ka socda deegaanada Puntland.

Ugu dambeyn, Guddoomiyaha Golaha Wakiillada, Mudane Cabdirisaaq Axmed Siciid, ayaa uga mahadceliyey dhammaan masuuliyiinta iyo bulshada soo dhoweysay, isagoo sidoo kale ka warbixiyey safarkiisii uu ku tagay dalka Kenya, oo uu sheegay inuu ahaa mid muhiim ah horumarinta shaqada Golaha Wakiillada.