Guddoomiyaha barlamaanka Puntland oo la kulmay shaqaalaha golaha.

27 September, 2025

Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Dowladda Puntland, Cabdirisaaq Axmed Siciid oo uu weheliyo Xoghayaha Guud ee Golaha, ayaa…

Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Dowladda Puntland, Cabdirisaaq Axmed Siciid oo uu weheliyo Xoghayaha Guud ee Golaha, ayaa maanta kulan la qaatay dhammaan howl-wadeennada Golaha.

Kulanka oo ay kasoo qayb galeen Agaasimayaasha, Madaxda qaybeedyada iyo shaqaalaha kala duwan ee Golaha, ayaa diiradda lagu saaray dardargelinta shaqada Golaha iyo sidii loo sii horumarin lahaa hawlaha horyaalla Golaha Wakiillada.

Kulankan ayaa ku soo beegmay xilli lagu jiro diyaar-garowga furitaanka Kala Fadhiga 57-aad ee Golaha, taas oo ah marxalad muhiim u ah howlgalka sharci-dejinta Puntland.

Ugu dambayntii Guddoomiyaha ayaa uga mahadceliyey hawl-wadeennada Golaha Wakiillada shaqada ay hayanaan, islamarlaana kula dardaarmay in lala jibaaro fulinta waajibaadka ay u xilsaaran yihiin.