Guddoomiyaha golaha wakiilada dowladda Puntland Cabdirisaaq Axmed Siciid ayaa safar aan horay loo sii shaacin ugu…

Guddoomiyaha golaha wakiilada dowladda Puntland Cabdirisaaq Axmed Siciid ayaa safar aan horay loo sii shaacin ugu ambabaxay Magaalada Dhahar ee xarunta gobolka Haylaan.
Wararka ay helayso HM ayaa sheegaya in guddoomiyuhu uu xarigga ka jari-doono taliska qaybta booliska gobolka Hayland oo dhawaan dhismihiisa lasoo dhameeyay, qaybna ka ah 7 talis qaybeed oo dawlada Imaaraatka carabtu ka hirgelinayso deegaamada Puntland.
Dhanka kalena, guddoomiyana oo ay weheliyeen xubno katirsan golayaasha dowladda aya dhagax dhigi-doonaa dhismaha maxkamada iyo xarunta maamulka gobolka gobolka Hayland.