Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Dawlad Goboleedka Waqooyi Bari Soomaaliya, Dr. Aadan Cabdullaahi, ayaa ka hadlay qorshaha nabadaynta…

Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Dawlad Goboleedka Waqooyi Bari Soomaaliya, Dr. Aadan Cabdullaahi, ayaa ka hadlay qorshaha nabadaynta laga wado Magaalada Ceerigaabo iyo deegaamo kale oo katirsan gobolka Sanaag.
Dr. Aadan ayaa sheegay in gobolka Sanaag uu katirsan yahay maamulka Waqooyi Bari Somalia, isla markaana aysan aqbali doonin inay weli sii sheeganayaan maamulka Somaliland iyo Puntland oo gobolka intiisa badan gacanta ku haysa.
Waxa uu sheegay inay soo dhawayn doonaan cidkasta oo nabad kula noolaanaysa maamulka Waqooyi Bari haseyeeshee ay tahay wax laga qurux badan yahay in Puntland iyo Somaliland ay aqoonsan waayaan maamulkaasi.
”Cidkasto reer Sanaag ah o wali is adkaynaysa Maamulka Waqooyi Bari, wuu u gacan taagayaa,Puntland iyo Somaliland haday nabad nagula noolanayaan waa soo dhawaynaynaa ,haday aqabali waayaan [ Puntland & Somaliland ]jiritaanka Wqooyi Bari,waa laga qurux badan yahay”, Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Dawlad Goboleedka Waqooyi Bari Soomaaliya, Dr. Aadan Cabdullaahi



