Guddoomiyaha degmada Doolow ee gobolka Gedo, Maxamed Xuseen Cabdi Lafey, ayaa ka hadlay xiisadda siyaasadeed iyo…

Guddoomiyaha degmada Doolow ee gobolka Gedo, Maxamed Xuseen Cabdi Lafey, ayaa ka hadlay xiisadda siyaasadeed iyo amni ee ka taagan gobolka, isagoo sheegay inuusan qayb ka noqon doonin xasaradaha ka dhex jira dhinacyada siyaasadda iyo maamulka ee Gedo.
Guddoomiye Lafey ayaa sheegay in isaga iyo maamulka uu hoggaamiyo ay ka tirsan yihiin Jubbaland, isla markaana uu sii wadi doono ku shaqaynta siyaasadda iyo go’aannada maamulkaas, wuxuuna shacabka ugu baaqay inay midnimadooda ilaashadaan,”Aniga kama qeybta aadanayo xasarada gobalka, Maamulka Jubbaland ayaan ka tirsanahay isagaana ka tirsanandoonaa.”
Dhanka kalena, guddoomiyaha degmada Doolow ayaa sheegay in siyaasad ama qorshe aysan raali ka ahayn dowladda Itoobiya uusan ka socon doonin deegaanka maadaama ciidanka dalkaasi ee qaybta ka ah hawlgalka nabad ilaalinta Soomaaliya ay dammaanad u haystaan la socodka dhammaan dhaqdhaqaaqyada deegaanka, wuxuuna sheegay “siyaasad aysan raalli ka ahayn Itoobiya aysan ku shaqayn doonin.”
Doolow ayaa ka mid ah degmooyinka Gedo ee ay maamulaan masuuliyiinta Jubbaland, halka degmooyin kale ay hoos yimaadaan masuuliyiin la shaqeeya Dowladda Federaalka, iyadoo dhawaan lagu weeraray guri uu deganaa taliyihii hore ee Asluubta Soomaaliyeed Taliye Shub oo taabacsan dhaqdhaqaaqa mucaaradka Koonfur Galbeed Soomaaliya.




