Guddoomiyaha golaha shacabka oo cambaareeyey in calanka Turkiga lagu gubey gudaha Somalia.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Cabdulqaadir Maxamed Nuur (Jaamac), ayaa si adag uga…

10 September, 2026

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Cabdulqaadir Maxamed Nuur (Jaamac), ayaa si adag uga hadlay dibadbaxyada looga soo horjeedo faragelinta Turkiga ee ka dhacay deegaamo katirsan Puntland, Jubbaland iyo Koonfur Galbeed Soomaaliya.

Guddoomiyaha ayaa sheegay in dibadbaxyada iyo diiditaanka Turkiga ee Somalia uu yahay ajande siyaasadeed oo laga soo abaabuley dalka dibaddiisa, wuxuuna xusay in arrinkaasi uusan qaban abaalkii uu turkigu gelilyey Soomaaliya xilligii adkaa.

“Calanka Turkiga in Soomaaliya lagu gubo waa la ogyhaya ma ahan Ajande Soomaaliyeed ee waa ajande Shisheeye waana foolxumo iyo qatar weyn,Siyaasadda Dhaxdeenna ah laguma lifaaqi karo Turkiga”, Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Cabdulqaadir Maxamed Nuur (Jaamac).

Jawaabta Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Cabdulqaadir Maxamed Nuur (Jaamac), ayaa ku soo aadaysa xilli Turkiga lagu eedeeyey faragelinta xaaladda deegaamada Koonfur Galbeed, duqayntii ka dhacday degmada Doolow ee gobolka Gedo iyo duqayn ka dhacday xeebaha gobolka Nugaal ee Puntland oo ay ku geeriyoodeen in ka badan 13 ruux, oo ay DFS ku tilmaantay kooxo burcad-badeed ah.