Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo go’aan cusub ka soo saaray kursiga Xildhibaan Abiib

29 April, 2025

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa kursiga tirsigiisu HOP#201 dib ugu celiyay guddiga xeerhoosaadka, Daryeelka, Anshaxa iyo xasaanadda ee Golaha Shacabka si uu uga soo talo bixiyo dibna uu golaha ugu soo celiyo.

Gudoomiyaha ayaa cadaadis xoogan uga yimid xildhibaanada kadib go’aan uu iskiis usoo saaray bishii Maarso ku sheegay in Xildhibaan Cabdullaahi Xaashi Abiib uu lumiyay xubinnimadiisii Golaha Shacabka kadib markii uu xaadiri waayay in kabadan laba kalfadhi oo xiriir ah.

Go’aankaas uu soo saaray Aadan Madoobe 15-kii bishii Maarso ayaa sababtay in xildhibaano gaaraya 190 ay mooshin ka dhan ah Gudoomiyaha ay diyaariyaan taasi oo hakad ku keentay furitaankii kalfadhiga golaha kadib fasaxii bishii Ramadaanka, iyadoo gudoonka ka cabsi qabay mooshinka iyo xiisada ka dhalatay kursiga Xildhibaan Abiib oo kamid ah xubnaha sida weyn u dhaliila Villa Soomaaliya.

Warqada maanta kasoo baxday xafiiska Gudoomiyaha ayaa lagu sheegay in arrintan dib loogu celiyay guddiga xeerhoosaadka, Daryeelka, Anshaxa iyo xasaanadda, taasi oo ah tilaabadii uu horey uga booday gudoonka. Luminta xubinimada golaha ayaa sidoo kale u baahan u codeyn sida uu sharciga qorayo.