Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Sheekh Aadan Maxamed Nuur Madoobe, ayaa maanta shir…

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Sheekh Aadan Maxamed Nuur Madoobe, ayaa maanta shir guddoomiyay kulanka guddiga joogtada ee Golaha Shacabka, kaas oo ka dhacay xarunta guddoonka iyo guddiyadda ee Villa Hargeysa.
Kulanka ayaa diiradda lagu saaray ajandayaasha mudnaanta leh ee horyaalla Golaha Shacabka gaar ahaan diyaarinta jadwalka kulamada todobaadka soo socda iyo sidii loo dardar-gelin lahaa hawlaha sharci dejinta ee muhiimka ah.
Guddoomiyaha Golaha Shacabka Sheekh Aadan Madoobe, ayaa ku booriyay xubnaha guddiga joogtada in ay dedejiyaan shaqada guddiyadooda, ayna si degdeg ah u soo gudbiyaan shuruucda horyaalla si loogu gudbiyo golaha guud, loona ansixiyo habraacyada sharci ee u baahan.
Guddoomiyaha ayaa xildhibaanada ku adkeeyay muhiimadda joogitaanka kulamada golaha iyo ilaalinta kooramka, isagoo tilmaamay in shuruuc muhiim ah ay sugayaan ka doodistooda iyo ansixintooda. Wuxuu carabka ku adkeeyay in maqnaanshaha aan sababta lahayn uu dib u dhigayo shaqada golaha iyo horumarka dowladnimada.
Kulanka guddiga joogtada waxaa sidoo kale goob joog ka ahayd Guddoomiye ku-xigeenka koowaad ee Golaha Shacabka, Marwo Sacdiya Yaasiin Xaaji Samatar, oo ku dhiirrigelisay xubnaha guddiga in ay muujiyaan wada-shaqeyn iyo mas’uuliyad sare si loo gaaro natiijooyin muuqda.



