Guddoomiyaha golaha shacabka barlamaanka Somalia Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Aadan Madoobe) iyo wefdi uu hoggaaminayo ayaa…

Guddoomiyaha golaha shacabka barlamaanka Somalia Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Aadan Madoobe) iyo wefdi uu hoggaaminayo ayaa lagu wadaa inay maanta gaaraan magaalada Baydhabo ee xarunta kumeel gaarka u ah Maamulka Koonfur Galbeed Somalia.
Guddoomiyaha ayaa la xaqiijiyey inay safarkaan ku weheliyaan xildhibaanno si adag uga soo horjeeday hoggaankii hore ee maamulka Koonfur Galbeed, ee maalinimadii shalay ka baxay Magaalada Baydhabo.
Aadan Madoobe ayaa lafilayaa inuu kulamo la qaadan doono mas’uuliyiinta cusub, saraakiisha ciidamada iyo qeybaha kala duwan ee bulshada, si loo xoojiyo wadashaqaynta dhinacyadaasi iyo dowladda federalka ah ee Somalia.
Safarkaan ayaa ku soo beegmaya kaddib markii ciidamada dowladda Federaalka Soomaaliya ay la wareegeen gacan ku haynta magaalada Baydhabo, isla markaana xilka laga qaaday madaxweynihii hore ee Koonfur Galbeed Cabdicasiis Xasan Maxamed Lafta Gareen.



