Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe), iyo wafdi…

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe), iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa maanta dalka dib ugu soo laabtay, kadib markii ay magaalada Algiers ee caasimadda dalka Algeria kaga qeyb galeen shirweynaha Guddoomiyeyaasha Baarlamaanada Carabta.
Guddoomiyaha iyo wafdigiisa ayaa si diirran loogu soo dhaweeyay garoonka diyaaradaha caalamiga ah ee Aadan Cadde, halkaas oo ay ku soo dhoweeyeen Xildhibaano ka tirsan labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya.
Shacabka Soomaaliyeed ayaa indhaha ku haya qaabka uu guddoomiye Aadan Madoobe uga dabaalan doono xallinta khilaafka ka dhashay xasaanad ka xayuubintii xildhibaan Xabiib iyo mooshin ay ka diyaariyeen xubno katirsan golasha shacabku.

Guddoomiye ku-xigeenka 2aad ee golaha shacabka ayaa maalinimadii shalay ku guulaystey inuu fariisimo golaha iyadoo xubnaha taabacsan Villa Somalia ay walaac ka sii muujiyeen qorshaha xubnaha mucaaradka ee maalinimada Arbcada ah marka uu guddoonka yimaado Sheekh Aadan Madoobe.