Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, Aadan Maxamed Nuur Madoobe, ayaa kulan la qaatay qaar…

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, Aadan Maxamed Nuur Madoobe, ayaa kulan la qaatay qaar kamid ah odayaasha dhaqanka iyo waxgaradka reer Koonfur Galbeed ee ku sugan Muqdisho.
Kulanta ayaa diiradda lagu saaray xaaladda guud ee ka jirta deegaannada Koonfur Galbeed iyo sidii xal waara loogu heli lahaa caqabadaha jira, xilli ay deegaamada maamulkaasi wajahayaan deganaansho la’aan siyaasadeed.
Guddoomiyaha iyo odayaasha dhaqanka ayaa xusay muhiimadda ay leedahay in si degdeg ah wax looga qabto xaaladda Koonfur galbeed, si looga baaqso marxalad colaadeed oo daba-dheeraata.
Sheekh Aadan Madoobe, ayaa doonaya inuu sii xoojiyo saamayntiisa gobolka, isagoo Muqdisho ka wada abaabul ka dhan ah Madaxweyne Lafta-gareen oo ka horjoogsadey inuu gaaro Magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay.




