Guddoomiyaha golaha shacabka barlamaanka Somalia Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa shaaciyey in wixii hadda ka…

Guddoomiyaha golaha shacabka barlamaanka Somalia Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa shaaciyey in wixii hadda ka dambeeya lagu dhaqmi doono dastuurka cusub muddo xileedka hay’adaha dowladduna noqon doono 5 sano.
“Dastuurka hadda la ansixiyey intuu tilmaamay ayuu barlamaanku joogi doonaa ma ahan kii kumeel gaarka ahaa dhammaan hay’adaha dastuuriga ahna intaas ayey joogi doonaan”, Ayuu yiri guddoomiye Aadan Madoobe.
Guddoomiye Sheekh Aadan Madoobe, ayaa sheegay in dambiile loo aqoonsan doona qofkasta oo ku dhaqma wixii aan waafaqsanayn dastuurka uu meelmariyey barlamaanka dowladda federalka ah ee Somalia.
“Qofkii ku mindida waxaan dastuurkaas ahayn oo dad gaar ah iska samaysteen waa in loo aqoonsadaa dambiile yahay, dastuurkaas ciddii diiddo qarannimada ayuu diiddan yahay ogaada”, Ayuu yiri markale guddoomiye Aadan Madoobe.



