Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) iyo wafdi…

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa maanta u ambabaxay Magaaladda Algiers ee caasimadda wadanka Algeria, halkaas uu uga qeyb geli doono shirka Guddoomiyaasha Baarlamaanadda Carabta oo maalmaha soo socda furmi doona.
Shirkaan ay yeelanayaan guddoomiyayaasha Baarlamaanada Carabta ayaa sanadkan looga hadli doonaa arrimaha wadamada Carabta gaar ahaan dagaalada ka socda dhulka reer Falastiin.
Safarkaan ayaa ku soo aadaya xilli ay mooshin xilka qaadis ah abaaabulayaan xubno katirsan golaha shacabka oo sheegay in guddoomiyuhu ku fashilmay shaqada golaha isla markaana uu ka dhigay goob afduuban oo aan wax shaqo ah u hayn shacabka Soomaaliyeed.
Guddoomiyaha ayaa mooshinka iyo qalaasihii shalay kaga jawaabey ganaax xubno katirsan golaha shacabka looga mamnuucayo inay soo xaadiraan fadhiyada golaha si meesha looga saaro go’aamada ka dhanka ah.