Guddoomiye Aadan Madoobe oo weerar ku qaaday Lafta-gareen.

Guddoomiyaha golaha shacabka barlamaanka Somalia Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa si adag uga hadlay xaaladda maamulka…

21 March, 2026

Guddoomiyaha golaha shacabka barlamaanka Somalia Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa si adag uga hadlay xaaladda maamulka Koonfur Galbeed iyo go’aamadii uu qaatay Madaxweyne Cabdicasiis Xasan Maxamed Lafta-gareen.

“Waqtiga Laftagareen waa dhammaaday, walaalkay inuu wixii aan saddex sano ka shaqaynaynay carqaladeeyona lama aqbali karo iyo waxa uu wado”, Ayuu yiri guddoomiyaha golaha shacabka Somalia.

Guddoomiyaha ayaa ku eedeeyay Laftagareen inuu qorsheynayo inuu si gaar ah u xusho liiska xildhibaannada, kadibna uu ku dhawaaqo, arrintaas oo uu ku tilmaamay mid horseedi karta qalalaase siyaasadeed.

“Laftagareen wuxuu rabaa inuu qorto liis xildhibaano ah kadibna ku dhawaaqo, ninka fidno ayuu ku tala galay, lamana aqbali karo”, Ayuu yiri guddoomiye Adan Madoobe.

Ugu dambayntiina guddoomiyaha golaha shacabka ayaa sheegay in Baydhabo looga celiyey arrimo siyaasadeed oo gurracan oo uu ku hawlan yahay maamulka Madaxweyne Lafta-gareen.