Guddoomiye Cabdi Xaashi iyo xildhibaano diidey kulankii labada aqal xilli Senator Dubbe iska-casiley xubinadii aqalka sare.

28 December, 2025

Xubno katirsan xildhibaanada labada aqal ee barlamaanka Somalia ayaa ka baaqsaday kulan aan caadi ahayn oo…

Xubno katirsan xildhibaanada labada aqal ee barlamaanka Somalia ayaa ka baaqsaday kulan aan caadi ahayn oo goluhu ka yeeshay xaaladda dalka uuna khudbad ka jeedinayey Madaxweynaha DFS Xasan Sheekh Maxamuud.

Guddoomiyaha aqalka Sare Senator Cabdi Xaash Cabdullaahi ayaa diidey ka qaybgalka iyo shir guddoonka kulankaan oo looga hadlayey tallaabadii uu maamulka Isra’il dowlad madax-banaan ugu aqoonsaday maamulka Somaliland oo katirsan jamhuuriyadda federalka ah ee Somalia.

Dhanka kalena, Senator Cismaan Abukar Dubbe oo katirsanaa aqalka sare ayaa la xaqiijiyey inuu iska-casiley xubinimadii aqalka sare, isagoo doonaya inuu taageero u muujiyo gooni goosadka maamulka Somaliland.

Xildhibaano katirsan golaha shacabka ayaan dhankooda soo xaadirin kulankii golayaasha labada aqal, iyagoo diidey inay tagaan fadhigaan looga soo horjeedo gooni goosadka Somaliland laguna xoojinayey midnimada dhuleed iyo dadeed ee Somalia.