Guddoomiye Cabdi Xaashi oo kulan la qaatay Guddiga Joogtada ah ee Aqalka Sare

9 April, 2025

Aqalka Sare ee Baarlamaaanka Soomaaliya ayaa ka tashanaya geedi-socodka kalfadhiga lixaad

Guddoomiyaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Cabdi Xaashi Cabdullaahi ayaa shir guddoomiyay kulanka 1-aad kalfadhiga lixaad ee Guddiga Joogta Golaha Aqalka Sare.

Ajandaha kulanka maanta ee Guddiga joogtada ayaa ku saabsanaa dib u qaabaynta qorshe howleedka fadhiyada guud ee Golaha oo ay ugu horeeyaan ajandaynta iyo kala horumarinta hindise sharciyeedyada iyo katashiga geedi socodka howlaha kale ee Mudnaanta leh iyo hor-tebinta leh Golaha Aqalka Sare ee Baarlaamaanka JFS.

Guddoomiye Cabdi Xaashi oo bogaadiyay shaqada wanaagsan ee xubnaha Guddiyadu ay u hayaan Golaha, ayaa dhinaca kale faray in ay laba jibbaaraan waajib gudashadooda, si loo dhammaystiro kalfadhigan shuruucda Golaha hortaalla.

Horseed Media