Guddoomiyihii hore ee Baarlamaanka Puntland, Abwaan Cabdirashiid Yuusuf Jibriil ayaa deegaamo katirsan gobolka Sanaag ka bilaabay…

Guddoomiyihii hore ee Baarlamaanka Puntland, Abwaan Cabdirashiid Yuusuf Jibriil ayaa deegaamo katirsan gobolka Sanaag ka bilaabay dhaqdhaqaaqyo ka dhan ah xukuumadda Puntland.
Jibriil oo xilligaan katirsan golaha wakiilada Puntland ayaa magaalada Badhan ee gobolka Sanaag ka bilaabay abaabul siyaasadeed iyo mid ciidan oo ka soo horjeeda Puntland.
Xogo hoose ayaa sheegaya in Xildhibaan Cabdirashiid Yuusuf Jibriil uu olole xooggan ugu jiro sidii gobolka Sanaag loogu biirin lahaa maamulka SSC KHATUMO oo ay dhawaan DFS shardi uga dhigtay in lagu soo dhammaystiro gobol kale.
Xubno katirsan golayaasha dowliga ah ee Puntland ayaa ku eedeeyay xildhibaan Abwaan Jibriil inuu ciidamo heer Federaal ah ka qorayo magaalada Badhan, si ay u fududeeyaan qorshayaasha DFS ay ka damacsan tahay gobolka.



