Gudoomiye ku xigeenka 1-aad ee Golaha Wakiilada Dowladda Puntland, Maxamed Baarri Shire oo ayaa habeenimadii xalay…

Gudoomiye ku xigeenka 1-aad ee Golaha Wakiilada Dowladda Puntland, Maxamed Baarri Shire oo ayaa habeenimadii xalay ka qeybgalay xuska Maalinta Furdooyinka Caalamiga ah, munaasabad oo ay soo agaasintay Wasaarada Maaliyada Puntland oo lagu xusayay doorka ay leeyihiin furdooyinka caalamka.
Guddoomiye Maxamed Baarri, oo munaasabadda ka jeediyay hadal, ayaa Hambalyo u diray dhamaan howl wadeenada furdooyinka Dowladda Puntland, isagoo si adag uga hadlay xaaladda guud ee Puntland iyo siyaasiyiinta mucaaradka.
Guddoomiyaha oo la garnaqsaday Senator hore Maxamuud Mashruuc ayaa sheegay in hay’adaha dowladda Puntland ay u dhimmantahay muddo saddex sano ah ayna kujiraan shaqooyin isugu jira horumarin iyo dagaalada ka dhanka ah kooxaha Daacish iyo Alshabaab oo duulaan ku soo qaaday Puntland.
“Saddex sano baa noo hartay inta aanu joognayna waxa aanu qabanay shacabka reer Puntland waa arkaan. Cidna ka yeeli mayno in ay siyaasadayso hawlgaldii ay saraakiisha iyo dhakhaatiirtu ku dhinteen,” Guddomiye kuxigeenka 1aad ee Golaha Baarlamaanka Puntland Maxamed Baari Shire.
Guddoomiyaha ayaa intaasi ku daray,“Waxaan rabaa inaan la garnaqsado saaxiibkay Maxmuud Mashruuc oo shalay hadlay, bulshada Soomaaliyeed iyo reer Puntland-ba waxaan ka raaligalaynaa hadalkiisi, magaalada Bu’aalana waa xoorabaysaa haddii ay dowlad hesho.”




