Guddoomiyihii hore ee baarlamaanka federaalka Soomaaliya Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan ayaa ku dhawaaqay inuu beddeley qorshihiisa…

Guddoomiyihii hore ee baarlamaanka federaalka Soomaaliya Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan ayaa ku dhawaaqay inuu beddeley qorshihiisa ku aaddan doorashooyinka qof iyo cod iyo heshiiskii uu la galay madaxtooya Somalia.
Waxa uu ku dhawaaqay inuu gebi ahaanba isaga baxay xisbiga Horumar iyo Midnimo Qaran oo dhawaan laga diiwaangeliyay guddiga doorashooyinka, ayna ku midoobeen qaar kamid ah siyaasiyiinta mucaaradka Somalia.
Maxamed Mursal oo bayaan kooban soo saaray ayaa tilmaamay in go’aankiisu yahay mid uu ku doonayo madaxbannaani iyo dhiibashada aragti siyaasadeed oo uusan cid kale u daba-fariisan.





