Guddoomiye Muungaab oo kulan la qaatay siyaasiyiinta reer Puntland ee Muqdisho ku sugan.

12 October, 2025

Guddoomiyaha Maamulka Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho, Dr. Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab), ayaa habeenimadii xalay…

Guddoomiyaha Maamulka Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho, Dr. Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab), ayaa habeenimadii xalay gurigiisa ku qaabilay siyaasiyiin qaar xilal ka hayaan DFS, deegaan doorashadooduna tahay Puntland.

Intii lagu guda jiray kulanka, Guddoomiye Dr. Muungaab ayaa uga mahadceliyay martida qaran sida ay u aqbaleen martiqaadkiisa, isagoo xusay in ujeeddada kulanku tahay is-weydaarsi fikradeed iyo xaal-wareysi guud oo ku saabsan dadaallada ay Maamulka Gobolka Banaadir iyo bulshada caasimaddu wadaan, kuwaas oo lagu xoojinayo xasiloonida, wadajirka, iyo horumarinta himilooyinka siyaasadeed iyo kuwa bulsho ee ay magaalada Muqdisho ku tallaabsanayso.

Dhankooda, madaxda iyo siyaasiyiintii ka soo qaybgalay kulanka ayaa uga mahadceliyay Guddoomiyaha Gobolka Banaadir casuumaadda iyo soo dhoweynta diirran.

Mas’uuliyiintaasi waxaa ka mid ahaa: Guddoomiye-ku-xigeenka labaad ee Aqalka Sare, Mudane Cabdullaahi Cali Xersi Timacade, Wasiirka Arrimaha Gudaha XFS, Mudane Cali Yuusuf Xoosh, Wasiirka Tamarta XFS, Mudane Cabdullaahi Bidhaan Warsame, Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed, Janaraal Asad Cismaan Cabdullaahi, Ra’iisul Wasaare hore, Mudane Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaarke iyo Xildhibaan hore, Mudane Maxamuud Xayir Ibraahim.

Kulanka ayaa kusoo dhammaaday jawi is-faham iyo wadatashi sare leh, iyadoo lagu muujiyay muhiimadda ay leedahay iskaashiga iyo wadajirka madaxda qaranka ee lagu dardar-gelinayo horumarka iyo nabadda caasimadda.