Guddoomiye Muungaab oo weerar ku qaaday Madaxweyne hore Sheekh Shariif.

14 December, 2025

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab), ayaa hadallo adag ku weeraray xubno…

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab), ayaa hadallo adag ku weeraray xubno katirsan siyaasiyiinta mucaaradka Soomaaliya oo uu ugu horreeyo Madaxweyne hore Sheekh Shariif Sheekh Axmed.

Muungaab ayaa sheegay in Muqdisho ay ka gudubtay marxaladihii qaraxyada, fowdada iyo madax-jebinta siyaasadeed, aysanna caasimaddu mar dambe aqbali doonin in siyaasadda lagu raadiyo qalalaase amni.

“Xamar way ka gudubtay qarax kun qof ay ku dhimato. Haddaad siyaasadda keliya ka raadinayso madax-jebin iyo fowdo, taasi way dhammaatay”, Ayuu yiri Guddoomiye Muungaab.

Ugu dambayntiina guddoomiyaha ayaa sheegay in Muqdisho ay ka nasatay qaraxyo, fooriyow iyo musiibooyin uu sheegay in horay loogu adeegsan jiray loollan siyaasadeed, wuxuuna xusay in amniga caasimaddu uu marayo heer ka duwan kii hore.